Madaxweyne Farmaajo Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Howlgalka Xasilinta Muqdisho Ee Hubka Lagu Aruurinaayo

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si faah faahsan bulshada Soomaaliyeed ugu sharaxay howlgalka hub-ka-dhigista iyo xasilinta ee maalmahan ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladda ay dooneyso sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho oo caasimad u ah dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa ku darray in dowladdiisa ay ka go’antahay sidii maleeshiyada AlShabaab looga sifeyn lahaa caasimadda Muqdisho isla markaasina u noqon lahayd mid amnigeeda la isku haleyn karo.

“Markaan leenahay Xasilinta Caasimadda Xamar, waxaan rabnaa inaan kala saarno dadka dhibka wado iyo dadka qoryaha u wata in ay iyaga isku difaacaan, marka hadii aan la dagaaleeyno qolyahan dhibka wada, waa in horta aan qolada xamar hubka ku wadata oo jidadka waaweyn ku wadata, hubka weliba aan loo baahnayn oo dagaallada culus lagu galo in laga qaado ama ay guryahooda dhigtaan, inta aan kasoo jeesaneeyno cadawga aan leenahay oo Shabaab ah.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xasilinta iyo howlgalka Hub-ka-dhigista ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey bulshada Muqdisho qaybaheeda kala duwan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here