Maxaad Ka Taqaanaa Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho Iyo Xarunta Laga Maamulo Howlgaladooda?

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ay ka socdeen howlgal barakeysan oo loogu magac daray “Xasilinta Caasimadda” ayaa dadka Soomaaliyeed qaarkood waxay is-weydiinayaan su’aalo badan oo la xiriiro ciidamada howlgalkan fulinaayo noocyadooda, saldhiggooda iyo taliska ay hoostagaan.

Ugu horeyn, ciidamadan waxaa saldhig u ah Xaruntii dhexe ee Xisbiga Kacaanka Soomaaliyeed taasi oo dib loo hawlgaliyey, waxay xaruntaani oo ka kooban afar dabaq ku taalaa agagaarka garoonka Kubbadda Cagta Muqdisho(Mogadishu Stadium) oo saldhig u ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Ciidamadan oo isugu jiri Milateri, Booliis iyo Nabad-sugid waxay leeyihiin hal talis oo ay ka amar qaataan, iyada loo sameeyey qoondo mushaar iyo waliba daryeel kale.

Sidoo kale,  ciidamada Xasilinta Caasimadda waxay leeyihiin isgaarsiin u gaar ah oo ay ku wada xiriiraan iyo siyaabo gaar ah oo ay ula dhaqmaan dadka hubeysan ee lagu soo qabto hawlgalka

Ciidamadan ayaa waxay si dhow ula shaqeeyaan Guddiga Amniga Qaranka ee uu guddoomiye u yahay madaxweynaha dowladda Federalka Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xarunta Xisbiga Kacaanka ayaa ah xarun ku dheggan garoonka Kubbadda Cagta Muqdisho oo xiligan fariisin u ah ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ku sugan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here