Baarlamaanka Dalka Turkiga Oo Ansaxiyey In Ciidamada Turkiga Saldhig Milateri Ka Sameystaan Dalka Qatar

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay in ciidamada Turkiga saldhig weyn oo militari ka sameystaan dalka Qadar.

Turkiga iyo Qatar ayaa ayaa horey heshiiskan u kala saxiixday sanadkii 2014 iyadoo Baarlamaanka dalka Turkiga la horgeeyey kadib markii dowladaha Khaliijka xiriirka u jareen dalka Qatar.

Saldhigan militari ayaa la sheegay inay ka howlgeli doonaan nooca ciidamada dhulka(Infanty) oo tiradooda gaareyso ilaa 3 kun oo askari.

Ciidamada Turkiga ee la geenayo dalka Qadar ayaa kusoo beegantay xili dalka Qadar uu kujiro go’doon dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.

Dalalka Sacuudiga,Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa ku dhawaaqay in xiriidhkii diblomaasiyadeed u jareen dalka Qadar iyagoo dowlada Qadar ku eedeeyay inay taageerto ururada Xamaas iyo Ikhwaanul Muslimiin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here