Hub Fara Badan Oo Lagala Soo Baxsaday Hub-ka-dhigista Muqdisho Ayaa Lala Soo Galay M/Goboleedyada HirShabeelle Iyo K/Galbeed

Waxaa maalmahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka socdo hawlgal hub-ka-dhigis ah oo uu amray madaxweynaha Soomaaliya si loo nabadeeyo caasimadda dalka.

Arintan hub-ka-dhigista ah ee ciimada Xasilinta Xamar ay ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa sababtay in jahowareer weyn uu soo wajaho hogaamiye kooxeedyadii hubka tirada badan ku haystay caasimadda

Xog rasmi ah oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo Muqdisho ku sugan ayaa inoo xaqiijinayo in hubkii ugu badnaa ee laga soo baxsaday howlgalka Xasilinta Muqdsisho la soo gaarsiiyey gobolada ku dhegan caasimadda.

Xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Hubka intiisa loo raray dhanka maamul goboleedka Hirshabeelle gaar ahaan degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Hubka la gaarsiiyey gobolka Sh/dhexe waxaa qaarkiisa loo wadaa gobolka Galgaduud iyadoo la qorsheynaayo in maalmaha soo socdo uu ka gudbo xuduudda degmada Aadan Yabaal ee isku xirto Galgaduud iyo Sh/dhexe.

Sidoo kale waxaa jiro hub aan badeneyn oo la soo gaarsiiyey gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye kaasi oo sida la sheegay ay shirko ku yihiin Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde iyo hogaamiye kooxeedyo kale.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shaley isagoo magaalada Kismaayo ku sugan ka hadlay hub aruurinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegey in hub ka dhigista la gaarsiin doono gobolada dalka.

Hay”adaha Amniga qaabilsan ayaa aad uga walwalsan in hubka caasimadda lagala caray uu gacanta u galo maleeshiyada argagaxisada Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here