Akhriso Magacyada 59 Qof Oo Sacuudiga Iyo Imaaraatka Ay Tilmaameen Inay Yihiin Argagaxisada Taageero Ka Helo Dalka Qatar

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa soo saaray Liis ay qoran yihiin shakhiyaad caan ka ah dunida Muslimka kuwaasoo ay ku tilmaameen argagaxiso.

Dadka liiska ku qoran oo tiradooda tahay 59 qof ayaa badankooda waxay ku nool yihiin dalka Qatar oo todobaadkii xiriirka ay u jareen dowladaha 4-ta ah.

Qaar ka mid ah shakhsiyaadka liiskan ku qoran ayaa la xaqiijiyey inay abaal marino caalami ah ay horey uga qaateen dalalka sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Dr. Yuusuf Al-Qardaawi oo ah gudoomiyaha Dalladda Muslimiinta ayey dowladahan ku dareen liiska Argagaxisada  ee ay maalgeliso dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa wajaheyso go’doomin adag kadib markii dowladahan 4-ta ah ay xireen dhammaan xuduudaha Barriga, Jawiga iyo Badaha ee ay la wadaagan dalka Qadar.

Hoos ka akhriso shakhsiyaadka safka hore ugu jiro liiska 59 qof oo Sacuudiga iyo Imaaraatka ku sheegeen inay argagaxiso taageero ka helo dalka Qadar.

Qatar linked muslims Qatar linked muslims1

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here