Badeeco Ka Timid Dalka Turkiga Oo Buux Dhaafisay Suuqyada Dalka Qatar Kadib Go’doomintii Sacuudiga Iyo Imaaraatka(Sawiro)

Dalka Turkiga ayaa buuxiyey booskii ay banneeyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka oo gabi ahaan joojiyey badeecadii iyo ganacsigii dalka Qatar kala dhexeeyey dalalkaasi.

Diyaaradaha Xamuulka Turkiga ayaa saacadihi la soo dhaafay daabulaayey badeeco kala duwan oo ku socoto dalka Qatar si aysan saameyn ugu yeelanin xayiraadda ay dalkaasi ku soo rogeen Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Diyaaradaha Xamuulka ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa badeeco u badan Digaag, caano, Cabitaano gaarsiiyey dalka Qatar oo dal qani ku ah wax-soo-saarka Shidaalka noocyadiisa kala duwan.

Dhammaan badeecadihii ka imaan jiray dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka waxaa lagu bedelay badeeco ka timid dalka Turkiga oo ganacsatada Qatar ay sheegeen inay ka rakhiisan tahay kana tayo fiican tahay badeecadii ka imaan jiray dalalka deriska ee go’doomiyey Qatar.

Qatar getsTurkish products Qatar getsTurkish products0 Qatar getsTurkish products1 Qatar getsTurkish products2 Qatar getsTurkish products3 Qatar getsTurkish products4 Qatar getsTurkish products5

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here