Dhimasho Badan Oo Ka Dhalatay Duqeyn Lala Beegsaday Alshabaab Iyo Shacab Daawanaayey Gaari Taaw Ah Oo Shaley Miino La Qaraxday Gobolka Sh/hoose

Waxaa maanta gantaal dad badan ay ku dhinteen lagu dhuftay goob uu yaalay gaari ciidan oo shaley miino kula qaraxday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose xiili uu howlgal lagu naafeynayo maleeshiyada Alshabaab u ka socday halkaasi.

Gaariga shaley miinada la kacday oo ahaa nooca loo yaqaano Taaw-ga ayaa waxaa la sheegay inay wateen ciidamada Kumaandooska ee Mareykanka ku tababaray garoonka Balli Doogle, ciidamada Kumaandooska(Baangaraafta) ayaa waxay qalab ku dhajiyeen gaarigii miinada la qaraxday kadibna wey iskaga soo dhaqaaqeen isagoo meesha yaallo.

Alshabaab ayaa maanta dad fara badan oo reer Bariire ah dibadda u soo saaray iyagoo u balan qaaday inay tusinayaan gawaari ay sheegeen inay ka gubeen ciidamadii saley howlgalka ka fuleiy gobolka Sh/hoose.

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jiro dad shacab ah iyo maleesiyada Alshabaab ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana jiro khasaaro dhaawac ah oo intaasi ka badan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in gantaalkan Shabaabka ay ku halaagsameen laga soo tuuray xerada AMISOM ee Aala Yaasir ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa la sheegaayaa in qalab casri ah oo meelo fogfog laga hago shaley lagu soo rakibay Inta badan deegaanadii shaley ciidamada huwanta ay tageen ee kala ah Jannaale, Bariire, Sabiid, Caanoole, Moordiile iyo deegaano kale.

Mas’uuliyiinta maamulka K/Galbeed iyo Dowladda Federalka weli wax war ah kama soo saarin duqeynta lala eegtay Shabaabka ee dadka shacabkana waxyeello ka soo gaartay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here