Maxkamad Ku Taallo Dalka Mareykanka Ayaa Ganaax Iyo Xukuno Kale Ku Riday Nin Cunsuri Ah Oo U Hanjabay Xildhibaanad Somali American Ah

Nin taksiile ah oo ku xadgudbey Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa la sheegey in la ganaaxay lacag kun doolar ah($1,000). Ilhaan Cumar waa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Mareykanka.

Qaadiga Maxkamadda ayaa sidoo kale dambiilaha shaqadii ka joojiyey muddo 45 cisho ah, waxaana lagala wareegay Batantihii ama rukhsadii wadista gawaarida.

Garyaqaan fadhigiisu yahay magaalada Columbia ee dalka Mareykanka ayaa sidoo kale eedeysanaha ku amray in uu qaato casharo la xiriira fahamka aasaasiga ah ee dhaqanka bulshooyinka kala duwan ee ku nool dalka Mareykanka.

Ninka eedeysanaha ah ayaa aflagaadeeyey xildhibaanad Ilhaan Cumar iyo gabar walaasheeda ah oo gaarigiisa kireysata bishii December ee sanadkii 2016-ka.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa soo bandhigay muuqaal uu eedeysanaha ugu hanjabayo in uu xijaabka ka furi doono.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here