Shirkadda DP WORLD Ee Dalka Imaaraatka Carabta Oo Dhowaan Dhismo Ku Bilaabeyso Furdada Magaalada Baraawe Ee Gobolka Sh/hoose(Sawiro)

Waxaa dhowaan soo shaac baxay heshiis dhexmaray heshiis ah in shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraatka dhismo ku bilaabeyso dekedda magaalada Baraawe ee xarunta maamulka K/Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la kulmey mas’uuliyiinta shirkadda DP World , waxaana laga wada hadlay sidii shirkadani deked oga dhisi lahayd Baraawe.

Heshiiska dhexmaray DP World iyo maamulka K/Galbed ee dhismaha dekedda Baraawe ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dawladda federaalka ay diidey in ay xiriirka u jarto dalka Qatar, dalabkaasi oo ka yimid dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Shirkadda DP World ayaa horey heshiisyo u la saxiixatay Somaliland iyo Puntland, heshiisyadaasi oo dawladda federaalka ee hadda jirto ay aad u dhibsatay.

Shariif Xasan iyo DP World Shariif Xasan iyo DP World1

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here