Dowladda Hindiya Oo Maxaabiis Burcad Badeed Ah Ku Wareejineyso Dowladda Soomaaliya

Waxaa Maalmo ka hor heshiis la isku dhaafsanaayo maxaabiis u dhashay dalka India iyo Burcad badeed u dhalatay Soomaali kala saxiixday dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya. Kulan ay yeesheen golaha Wasiirada dalka Hindiya ayaa waxay go’aamiyeen in heshiiskaasi si deg deg ah loo dhaqa geliyo isla markaasina burcad badeedda Soomaalida ee India ku xiran lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Dacwad oogaha gaarka ah ee Hindiya Ranjeet Sangle ayaa sheegey in hadda la fulinayo go’aanka golaha wasiirada India.

Waxaa ku xiran dalka India 118 maxaabiis u xiran arrimo la xiriira burcad badeednimokuwaasoo badankooda la xiray sanadkii 2011-ka.

Waqtiga xabsigooda uga dhiman waxay ku dhamaysan doonaan dalkoodii hooyo si ay ugu dhawaadaan eheladooda iyo qoysaskooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga shaqaysay sidii maxaabiistaasi loogu soo wareejin lahaa, waxayna arrintani qeyb ka tahay dadaal balaaran oo guud ahaan caalamka xabsiyada looga soo furanayo dadka Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here