Urur Goboleedka IGAD Oo Wakiil Cusub U Soo Magacaabay Arimaha Soomaaliya

Waxaa shaley magaalada Addis Abbaba lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasi oo looga hadlay arimo badan oo ku saabsan Amniga wadamada xubnaha ururka IGAD.

Kulankii shaley ee Ururka IGAD waxaa lagu magacaabay Wakiilada gaarka ah ee Ururka u qaabilsanaan doono wadamada Somalia iyo Koonfurta Sudan oo ah labada dal ee ugu xasradaha badan qaaradda Afrika.

Wakiilka gaarka ah ee IGAD waxaa loo magacaabay Dr Maxamed Cali Guyo kaasi oo bedeli doono wakiilkii hore ee Soomaaliya u joogay IGADMaxamed Cabdi Afeey.

Wakiilkii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa waxaa loo magacaabay Wakiilka UNHCR u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here