Cafiskii Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Ka Faa’ideysteen Dhalinyaro Badan Oo Shabaab U Dagaalameysay

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay iney dowladda isku soo dhiibeen tiro ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab kadib markii madaxweyne Farmaajjo uu cafis u fidiyey dhalinyarada u dagaalamaeyso Alshabaab.

C/rashiid C/llaahi Maxamed oo waraysi siinayey Idaacadda VOA ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen 50 kamid ah dhalinyarada u dagaalanta kuwaasoo soo ajiibay Cafiskii uu u fidiyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u samayn doonto dhaqan Celin iyo daryeel gooni ah isagoo ku nuuxnuuxsaday in Raggani ay intooda badan iska soo dhiibeen Gobolada Koonfur Galbeed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaalanta kooxda Alshabaab iney isku soo dhiibaan Muddo 60 cisho ah isagoo sheegay inay heli doonaan xuquuq gaar ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here