Dowladda Qadar Oo Lacag Badan Ugu Deeqday Dalka Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $10 milyan oo doolar si loogu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Dowladda Qadar ayaa sheegtey in dhaqaalahan ay ugu talo gashay in lagu kaalmeeyo shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha saameeyeen isla markaasina xiligan adag gudanaayo Waajibka bisha barakeysan ee Ramadan.

Dhowaan waxaa Wafti xaqiiqo raadin ah oo kasoo laabtay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo la xiriirey qiimeynta heerka abaarta ka jirto Geeska Afrika.

Wafdiga ayaa xubno ka ahaa Kuwiat, Sucuudiga, South Africa, Bangiga Horumarinta Afrika, Hay’adda USAID iyo Bangiga Adduunka.

 

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa dhisay xiriir diblomaasiyaad oo aad u wanaagsan kadib markii dowladda Soomaaliya ay iska diiday inay ku biirto Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka hogaaminayaan ee lagu cuna qabateynaayo dalka Qatar.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here