Jaaliyadda Reer Afgooye Ee Dalka Ingiriiska Oo Mashruuc Lagu Afurinaayo Dadka Danyarta Ah Ka Fuliyey Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose(Video)

Iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, Jaaliyadda degmada Afgooye ee dalka Ingiriiska waxay barnaamij Afurin ah ka fuliyeen degmada Afgooye.

Barnaamijkan oo loogu magac daray “Badbaadi Danyarta” waxaa ka faa’ideystay 70 qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmada Afgooye.

Waxgaradka degmada Afgooye ayaa jaaliyadaha kale ee reer Afgooye ee ku dhaqan wadamada kale inay ku daydaan Jaaliyadda dalka Ingiriiska oo howshan fulisay.

Hoos ka daawo waxgarad bogaadiyey barnaamijkan iyo danyartii ka faa’ideysatay

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here