Nabadoon Lagu Dilay Masjid Dhexdiisa Magaalada Baydhabo

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka K/Galbeed ayaa sheegaya in xaley fiidkii Magaalada lagu dilay nabadoon la sheegay inuu ka tirsanaa Ergadii soo xushay mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka federalka.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayey Sheekh Maxamed Madeyr oo sidoo kale ka mid ahaa culimada magaalada Baydhabo.

Marxuumka lagu dhex dilay Masjid ku yaala xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo, xili uu isu diyaarinayay dukashada Salaada Taraawiixda.

Waxaa dilay marxxuumka kooxo ku hubeysan Bistoolado, waxay dhowr xabadood uga dhufteen qeybta sare ee Jirka marxuumka.

Laamaha Amaanka maamulka K/Gableed ayaa sheegay in ragii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen balse lagu raadjoogo si cadaaladda loo horkeeno.

Kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa horay u sheegtay iney beegsan doonaan cid kasta oo ka qeybgasha soo xulista Xildhibaanadii labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here