Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Xuduudda Dalalka Jabuuti Iyo Eritrea Kadib Markii Ciidamadii Nabad Ilaalinta Qamada Midobey Ee Ka Socday Dalka Qatar Ay Halkaasi Iskaga Baxeen(Video)

Wasiirka Arimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dowladda Eritrea ku eedeeyey in ciidamadooda dhulka xuduuda labada dal ee khilaafka uu ka taagan yahay kadib markii ay halkaasi ka baxeen ciidamo ka socdey dalka Qatar oo halkaasi Qaramada Midoobey ay dejisay dhowr sano ka hor.

Ciidamadii nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey ee ka socday dalka Qatar ayaa ka baxay xuduudda Jabuuti iyo Eritrea kadib markii Jabuuti ay xiriirka u jartay dalka Qatar.

Labadan dal ee dariska ah Jabuuti iyo Eritrea waxaa ka dhaxeeyo muran dhanka xuduuda ah oo muddo soo jirey, iyada oo horey ay u jireen isku dhacyo dhawr ah oo dhiig uu ku daatay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here