Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Oo Soo Celinaayo Xeer Soo Baxay Sanadkii 1965-tii

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinaayo sidii dastuurka cusub ee dowladda Federalka dib loogu soo celin lahaa xeer xuquuq siinaayo Askarta Soomaaliya ee ku dhinta ama ku naafooba howlgalka.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo warbaahinta la hadlay ayaa xukuumada ka codsaday in dib loosoo nooleeyo xeerka xaq siinta ciidamada dowladda ee ku naafooba ama ku dhinta hawlgalada iyo caruurtooda.

Xeerkan waxa uu soo baxay sanadkii 1965-tii, waxaa uu xeerkan tisigiisa yahay Lr 8, wuxuuna dhigayaa in la daryeelo qof kasta oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku waxyeelooba waajibaadka qaran iyo waliba qoyskiisa.

Ciidamo aad badan oo gudanayay waajibaadkooda, oo ay ku jiraan kuwii lixaadkooda ku waayay dagaaladii 1977-dii ee dhexaray Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku dayacan dalka, iyada oo aysan jirin wax xanaano ah , xitaa daryeel caafimaad aanan helin.

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa hadalkan jeediyey xili uu ka hadlayay hawlgalka amniga lagu sugayo ee caasimadda iyo guud ahaan dalka, kaasi oo ay suurtogal tahay in ay askar badan ku waxyeeloobaan.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here