Askar Badan Oo Ka Tirsan Ciidamada Badda Mareykanka Ayaa Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Xeebaha Dalka Japan(Sawiro + Video)

Askar ka tirsan ciidamada Badda ee dalka Mareykanka ayaa ku geeriyooday xeebaha dalka Japan. Geerida askartan oo tiradooda ay gaareyso 7 askari ayaa timid kadib markii markab ay saarnaayeen uu ku dhacay markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Philippines.

Shilka labada markab ayaa ka dhacay xeebta IZU ee dalka Japan. Ciidamada Badda Mareykanka qaybta 7aad ee saldhigooda yahay magaalada Yokosuka ee dalka Japan ayaa shilkan galay.

Hoos ka daawo Sawirada iyo Muuqaalka shilka labada markab

US Marines accident in Japan (1) US Marines accident in Japan (2) US Marines accident in Japan (3) US Marines accident in Japan

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here