Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho Oo Gacanta Ku Dhigay Madaxii Amniyaatka Alshabaab Ee Magaalada Muqdisho

Shir uu goordhow madaxtooyada ku qabtay Wasiirka Amniga ee dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa wuxuu ku sheegay inay gacanta ku dhigeen horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab.

Ciidamada Xasilinta iyo hub-ka-dhigista Muqdisho ayaa qabtay Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay C/wahaab Khaliif Axmed isla markaasina Alshabaab dhexdeeda looga yaqaano Ciise Tarabuun.

Horjoogahan oo la sheegay in dad badan oo shacab ah uu gumaaday ayaa laga qabtay isagoo ku sugan Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah oo soo bxaayo waxay sheegayaan in horjoogaha ciidamada ay qabteen uu hadda ku magacaaban yahay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here