Muslimiin Ka Soo Baxay Salaadda Taraawiixda Oo Xaley Gaari La Jiirsiiyey Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska(Sawiro + Video)

Ugu yaraan hal qof ayaa geeriyooday halka 10 kalena ay dhaawacmeen kadib markii habeenkii xaley gaari la jiirsiiyay Muslimiin ka soo baxay salaadii taraawiixda Masjidka xaafada Finsbury Park ee waqooyiga London.

Dadkii masjidka ku cibaadeysanaayey ayey u suurta gashay inay qabtaan ninka weerarka gaystay oo la sheegay inuu ahaa nin da’diisa lagu sheegay 48 sano jir ah.

Eedeysanaha gaariga kaxeynaayey ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqayey erayo neceyb ah sida ” waxaan rabaan inaan xasuuqo Muslimiinta IWM”

Arintan waxay Cabsi badan ku beertay Muslimiinta dalka Ingiriiska guud ahaan qaaradda Europe.

Hoos ka daawo Muuqaal iyo masawiro goobta dhacdadan laga soo qaaday

London Mosque attack London Mosque attack0 London Mosque attack1 London Mosque attack2 London Mosque attack3 London Mosque attack4 London Mosque attack5 London Mosque attack6

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here