Madaxweyne Farmaajo Oo Lacag $20,000 Dollar Ah Ugu Deeqay Caruur Ku Jirto Xero Lagu Xanaaneeyo Caruurta Agoonta Oo Ku Taallo Degmada Afgooye(Sawiro)

Waxaa maalinimadii shaley xero agoon oo ku taallo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose laga qaybiyey Lacag Xaqul-ciid ah oo madaxweyne Farmaajo ugu deeqay caruurta agoonta.

Lacagtan oo gaareysay $18,700 ayaa la gaarsiiyay 170 carruur oo ku jiray xerada, waxaana midkiiba la siiyay lacag dhan $110.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa wakiil ka ahaa gaarsiinta deeqdan lacageed oo ah tii ugu horeysay ee Madaxweynaha xaqul ciid ahaan u gaarsiiyo carruurta agoonta ah ee ku jirta Xeradaas.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen, Xuseen Xasan Cusmaan ayaa ka mahad celiyay deeqdan lacageed ee uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay carruurta agoonta, isagoo xusay in Madaxweynuhu naftigiisa uu horay uga baxay xeradan oo kale, isla markaana raggii ku bar baaray, waxaa uu xusay inuu xaalada ay ku sugan yihiin carruurta uu ogyahay, kana damqanayo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka hadlayay deeqda lacageed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu wakiil uga yahay, isla markaana lacagta loogu soo dhiibay illaa 170 carruur oo xeradan ku jiro.

 

agoonta Afgooye agoonta Afgooye1 agoonta Afgooye2 agoonta Afgooye3 agoonta Afgooye4 agoonta Afgooye5 agoonta Afgooye6 agoonta Afgooye7

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here