Nin Mareykan Ah Oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaallo Waqooyiga Kuuriya Ayaa Geeriyoody Maalmo Kadib Iyo Madaxweyne Donald Trump Oo U Goodiyey W/Kuuriya(Video)

Maxbuus Mareykan ah oo mudo 18 bilood ku xirnaa dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa geeriyooday maalmo kadib markii laga sii daayey xabsiga isla markaasina uu ku soo laabtay dalkiisa America.

Otto Warmbier oo ah ninka geeriyooday ayaa ahaa Arday Jaamacadeed, wuxuu safar ku tagay dalka Waqooyiga Kuuriya sanadkii tagay 2016-ka halkaasoo lagu xiray kadib markii lagu soo eedeeyey inuu xaday sirta dalka Waqooyiga Kuuriya, dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa waxay si adag iskaga soo horjeedaan siyaasad ahaan dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ka murugeysan geerida Otto Warmbier si kulul u cambaareeyey madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, wuxuuna ku goodiyey inuu dunida ka cirib tiri doono kali-talisnimada noocaas ah.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here