Qarax Ismiidaamin Ah Oo Uu Ku Dhaawacmay Gudoomiyaha Degmada Wadajir Ayaa Ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 10 ruux ayaa geeriyootay kadib markii qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta degmada Wadajir oo u dhow Suuqa-weyn ee degmadaasi.

Warar soo baxaayo waxay shegayaan in Qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa nooca dadka Soomaalida u yaqaanaan Hoomey, kaasoo ka mid ahaa gawaarida caanaha keenta Muqdisho. Gawaarida caanaha keento degmada Wadajir ayaa lagu canshuuraa xarunta maamulka degmada Wadajir dhexdeeda taasi oo khatartan sababtay.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa inuu dhaawac soo gaaray gudoomiyaha degmada wadajir Cumar C/llaahi Xasan iyo tiro ka mid ah ciidamada ilaaladiisa ah.

Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeello gaarsiiyey dhismayaal ka ag dhow xarunta maamulka degmada Wadajir.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here