Golaha Ammaanka Oo Dalalka Eritrea Iyo Jabuuti Ugu Baaqay Inay Qaboojiyaan Xiisadda Ka Taagan Xuduudda Ay Wadaagaan

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Djibouti iyo Eritrea ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada mandhiqadda bariga Afrika isla markaasina isla markaasina qaboojiyaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jiro xuduudda labada dal.

Baaqa Qaramada Midoobey ee labadan dal ay u jeedinayaan ayaa yimid kaddib markii ciidamo nabad ilaalin oo ka socday dalka Qadar ay todobaadkii hore isaga baxeen dhulka xuduudda ah ee muranka uu ka jiro.

Midowga Afrika ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyey cabasho uga timid dalka Jabuuti taasoo ay uga ashtakooneyso in Eritrea ay ku soo xadgudubtay dhul muran uu kala dhexeeyo Jabuuti oo ku yaallo xuduudda labada dal.

Golaha Ammaanka ayaa warbixinta Midobwga Afrika iyo tan Djibouti akhristay, waxayna labada dalka ugu baaqeen in muranka ka jira xuduuda lagu dhameeyo si nabad ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Ciidamadii Qaramada Midoobey ee ka Dowladda Qadar ayaa lagu wadaa in lagu bedelo ciidamo kale oo nabad ilaalin, waxaana la saadaalinayaa in dalka Sacuudiga uu ciidamo geynaayo Jaziiradda buuraleyda Doumeira ee uu muranka ka taagan yahay.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here