Abwaankii Gabay Bogaadin Ah Ka Tiriyey Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Wargeyskii Nabi Maxamed(SCW) Aflagaadeeyey Oo Xabsiga Laga Sii Daayey

Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid kadib markii uu xabsiga ku soo dhameystay muddo 2 sano ah oo maxkamadda magaalada Hargeysa ay ku xukuntay.

Abwaanka ayaa la xiray sanadkii 2015-ta kadib markii gabay bogaadin ah uu ka tiriyey weerar kooxo Islaamiyiin hubeysan ay ku qaadeen xarunta Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxo magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska. Wargeyska Charlie Hebdo ayaa kartoono lagu aflagaadeynayo Nabi Maxamed(SCW) taaso si weyn uga careysiisay dhammaan Muslimiinta Caalamka.

Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid ayaa sidoo kale caan ku ah tirinta Maansooyinka Diiniga ah gaar ahaan maansooyinka ku saleysan naceybta bulshoyinka aan diinta Islaamka haysanin.

Ehellada Abwaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in C/waaxid oo nabad qaba uu dib ula midoobay qoyskiisa iyo Waalidiintiisa.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here