Shirkadda Diyaaradaha Air Arabia Oo Dhowaan Duulimaadyo Ka Bilaabeyso Magaalada Hargeysa(Video)

Maamulka Shirkadda diyaaradaha Air Arabia ayaa ku dhawaaqay inay dhowaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka bilaabi doonaan duulimaadyo toos ah bisha July ee soo socoto.

Duulimaadyada oo todobaadkii labo jeer ah ayaa waxay noqon doonaan Hargeysa to Shaariqa iyo Shaariqa to Hargeysa oo toos ah. Sidoo kale, diyaaradda waxay kuugu xiriirineysaa duulimaadyada dalalka kale ee dunida.

Waxay diyaaradda Air Arabia noqoneysaa diyaaraddii 3aad ee caalami ah ee ka soo degto Somaliland, waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay garoonka magaalada Hargeysa imaanayey labo diyaaradood oo caalami ah kuwaasoo kala FlyDubai iyo Ethiopian Airlines.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here