Dowladda Federalka Ayaa Soo Dhaweysay Cinwaan Twitter Alshabaab Laga Xiray Oo Magaalada Muqdisho Khalkhal Amni Ka Abuurayey

Wasiirka warfaafinta dowladda Federalka Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa soo dhoweeyey talaabo ay qaaday shirkadda Twitter taaso ay ku xirtey ciwaan laga maamulayay magaalada Muqdisho oo khalkhal gelnayey hay’adaha nabadsugidda dowladda.

Akoonka Twitter ee la xiray oo lagu magacaabi jirey Live From Mogadishu ayaa waxa uu si joogto ah usoo gudbin jirey xogaha la xiriira qaraxyada iyo weerarada kooxda Alshabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Qolada cinwaankan maamuleysay waxay xitaa mararka qaarkood soo gudbin jireen xog qarsoodi ah oo ay adag tahay in la helo tusaale ahaan in la wareysto kooxo fulinaayo weeraro argagaxiso oo xiligaasi socdo.

Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa sheegey in qofka ciwaankaasi leh oo is qariya uu yahay qof ku xad gudbey xuquuqda hadalka , isaga oo ku eedeeyey in uu Alshabaab la safan yahay.

 

Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa cabasho rasmi ah u dirtay shirkadda Twitter,-ka taasoo ay kaga codsaneyso in ciwaankaasi la xiro.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here