Dowladda Mareykanka Oo Liiska Argagaxisada Ka Saartay Afhayeenkii Hore Ee Alshabaab Abuu Mansuur

Idaacadda codka Mareykanka ee VOA-da oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxay sheegtay in Mareykanka uu  liiska Madow ee argagaxisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaa kooxda Alshabaab.

Sheekh Abuu Mansuur ayaa kaalin mug leh ka qaatay soo shaac-bixiddii Ururka Alshabaab iyadoo lagu xasuusto dagaaladii cuslaa ee dhiigga badan uu ku daatay ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

Abuu Mansuur oo horey u soo noqday Afhayeenka ururka Alshabaab ayaa waxaa horey loo shaaciyey inuu iskaga baxay Ururka Alshabaab kadib markii khilaaf dhanka Caqiidada uu soo kala dhexgalay.

Dowladda Mareykanka ayaa Mukhtaar Roobow madaxiisa duldhigtay shan Milyan dollar taasoo la siinaayo qofkii soo sheegto ama disho wadaadkan ka tirsanaa Argagaxisada geeska Afrika.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here