Wadamada Khaliijka Oo 13 Qodob Ku Xiray Dowladda Qatar Inay Xayiraadda Ka Qaadan (Akhriso Qodobada)

Wadamada Sacuudiga, Imaaraatka iyo Baxreyn ee xiriirka u jaray Wadanka Qatar ayaa soo bandhigey 13 qodob oo ay ka rabaan dowladda Qatar si ay xayiraadda uga qaadaan.

Qodobada Waxaa ka mid ah in la xiro TV-ga Aljazeera iyo saldhigga militari ee dalka Turkiga ku leeyahay dalkaasi, in lasoo dhiibo dadka argagixisada ay u arkaan dalalkani.

Sidoo kale waxaa qodoabada ka mid ah in Qatar ay xiriirka u jarto dalka Iiraan isla markaasina dalkeedana ka masaafuriso qof walboo ka soo jeedo dalka Iran.

Hoos ka akhriso qodobada oo aan ka soo turjumnay TV-ga Aljazeera

1-In Qatar ay xiriirka u jarto dalka Iran

2- In Qadar xiriirka ay u jarto Ururka Ikhwaanu Muslimiinka ee dalalka carabta qaarkood laga mamnuucay

3- In Qadar si deg deg ah u xirto Saldhiga Militari ee dalka Turkiga ka sameysanayo gudaha Qadar.

4- In Qadar xirto warbaahinta Aljazeera oo isugu jirta qaybaheeda kala duwan.

5- In ay Qadar Joojiso maalgelinta kooxaha iyo shakhsiyaadka Mareykanka, Sacuudiga, Baxreyn , Imaaraadka iyo wadamada kale u aqoonsan yihiin Aragagixiso.

6-In wadaadada lagu xukumay argagaxisonimo ee Qadar ku nool ay ku soo wareejiso dalalka Khaliijka.

7- In Qadar ay Jinsiyadeeda u diido dadka u dhashay wadamada xiriirka hada u jaray kuwaasoo argagaxisonimo ku eedeysan.

8- In Qadar ay xog badan ka bixiso kooxaha iyo shakhsiyaadka ay maalgelisay, ee ka soo horjeedo dalalka Sacuudiga iyo wadamada kale.

9- In Qadar joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.

10- Inay Qadar u shaqeyso si waafaqsan siyaasada iyo danaha dhaqan dhaqaale ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.

11- In Qadar ay joojiso maalgelinta dadban ee siiso warbaahinta ay ka midyihiin Arabia21, Rassd, Al Araby, Al Jadeed iyo Middle East Eye.

12- In Qadar ay Bixiso lacag ganaax ah oo ah magdhow taasoo ah saameynta ka dhalatay siyaaasadaha khaladka ah ee Qadar ku dhaqmeysay sanado.

13- Inay Qadar ogolaatokormeer iyo qiimeyn lagu samaynayo, kormeerkana wuxuu socon doonaa muddo 10 sano ah.

Weli wax jawaab ah kama aysan bixinin dowladda Qatar shuruudahan.

SHARE

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here