Dowladaha Sacuudiga, Indonesia Iyo Inta Badan Wadamada Dunida Islaamka Oo Ku Dhawaaqday In Maalinta Berri Ay Tahay Maalinta 1aad Ee Bisha Shawaal

Waxaa maalinta berri ah dunida Muslimka inteeda badan looga damaashadayaa Farxadda Ciida Soon-fur oo ku beegan maalinta berri ee Axadda ah.

Dalalka Sacuudiga, Indonesia, Turkiga, Malaysia iyo wadamada carabta intooda badan ayaa waxay ku dhawaaqeen in berri tahay maalinta 1aad ee bisha Shawaal taasoo ka dhigan in maalinta berri ah tahay maalinta Ciidul-fitriga.

Wasaaradda arimaha Diinta iyo Awqaafka Dowladda federalka Soomaaliya weli wax war ah ma ka soo saarin in berri laga ciidaayo dalka iyo in kale.

Waxaa dhammaantiina idiin leenahay CIID WANAAGSAN …….

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here