Abuu Mansuur Iyo Ciidamadiisa Oo Hormuud Ka Noqon Doono Howlgallada Alshabaab Looga Ciribtiraayo Deegaanada Koonfur Galbeed

Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan shaacisay in liiska Argagaxisada ay ka saartay Afhayeenkii hore ee kooxda Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur).

In liiska argagaxisada laga saaro Abuu Masuur waxay horudhac u ahayd in wadaadka uu ku biiro dowladda Federalka si uu uga baxo go’doominta ay ku hayaan kooxda Alshabaab oo horey uu ka tirsanaa.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweyey liiska laga qaaday Abuu Mansuur, wuxuuna sheegay in ay tahay talaabo loo qaaday dhanka nabadda.

Abuu Mansuur ayaa hadda la sheegayaa inuu haysto ciidamo tiradooda gaareyso 8 boqol askari kuwaas oo badankooda ka soo jeedo beeshiisa, waxay ciidamadan mudo ka badan 2 sano Abuur Mansuur ku ilaalinayeenn dhulka Howdka ah ee u dhexeeyo Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Abuu Mansuur iyo ciidamadiisa oo kaashanaayo dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bilooyinka soo socdo ay qaadaan howlgallo adag oo Alshabaab looga sifeynaayo Soomaaliya gaar ahaan deegaanada maamulka K/Galbeed .

Kooxda Alshabaab ayaa waxaa dhabar jab weyn ku ah in Abuu Mansuur iyo ciidamadiisa ay ku biiraan dowladda Soomaaliya isla markaasina ay hormuud ka noqdaan howlgalada gobolada looga saaraayo Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here