Daawo Sida Saaladda Ciidul Fidriga Looga Dukaday Magaalada Garoowe Oo Ay Mas’uuliyiin Ka Qayb Galeen(Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shacabka magaalada Garoowe kala qayb galay Salaada Ciidul fidriga oo lagu dukaday garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare.

Waxaa sidoo kale mas’uuliyiinta shacabka kula dukaday magaalada Garoowe ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Federalka Cabdi Faarax Juxa, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. C/xakiim Xaaji Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Culumo, waxgarad iyo shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Hoos ka daawo Masawirada Salaadda Ciidul Fidriga magaalada Garoowe.Ciidda Garoowe Ciidda Garoowe0 Ciidda Garoowe1 Ciidda Garoowe2 Ciidda Garoowe3 Ciidda Garoowe4 Ciidda Garoowe5 Ciidda Garoowe6 Ciidda Garoowe7 Ciidda Garoowe8

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here