Dowladda Iyo Shacabka Dalka Jabuuti Oo Maanta Si Weyn U Xusay 40 Sano Guuradii Ka Soo Wareegatay Xiliga Madax Banaanida Ay Ka Qaateen Faransiiska(Video)

Shacabka iyo dowladda Djibouti ayaa maanta si weyn u xusay 40 sano guuradii ka soo wareegatay xiligii madax banaanida ay ka qaateen dowladda Faransiiska taasoo ku beegan 27-ka JUN 1977-dii.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacab fara badan ayaa maanta si wadajir ah isugu soo baxay fagaaraha magaalada Jabuuti halkaasoo lagu qabtay munaasabadda xuska maalinta madax-banaanida dalka Jabuuti.

Xuska waxaa ka qayb qaatay ciidamada kala duwan ee dalka Jabuuti sida ciidamada Booliiska, Milateriga, Ilaalada Badda, Cirka iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Jabuuti.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here