Dowladda Qatar Oo Dalkeeda Ku Marti Qaaday Wiil Xaafidul Qur’aan Ah Oo Dhowaan Dowladda Imaaraatka Ay Soo Tarxiishay Isagoo Tartan Qur’aan Ka Qayb Galaayo

Wararka laga helaayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Madar uu u dhoofay dalka Qatar.

Ismaaciil Madar waa nin Xaafidul Qur’aan ah, waxaana dhawaan isagoo magaca dalka Soomaaliya uga qayb galaayo tartanka Quraanka Kariimka ee DUBAI soo ceyrisay dowladda Imaaraatka Carabta isagoo ku rajo weynaa inuu kaalimaha hore ka galaayo tartankaasi.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Binu Xaamid Althani ayaa Ismaaciil Madar u soo diray casuumad iskugu jirta hadiyado lacageed iyo balan-qaad ah in Ismaaciil uu ka heli doono deganaasho rasmi ah oo dalka Qatar uu ku noolaan doono.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa Ismaaciil Madar ka soo ceyrisay tartanka Qur’aanka Kariimka kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here