Madaxweyne Farmaajo Oo Cafis U Fidiyey Maxaabiis Ay Ku Jirto Haweeney 9 Bilood Xabsiga Ugu Xirneyd 7 Gram Oo Dahab Ah

Waxaa maanta Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho laga sii daayey 13 maxbuus oo loo heystay dambiyo yar yar, waxaa la sheegay in maxaabiista maanta la sii daayey qaarkood ay xirnaayeen in ka badan hal sano.

Maxbiista madaxweynaha cafiska u fidiyey waxaa ku jirtay haweeney muddo 9 bilood u xirneyd 7Garam oo dahab ah iyadoo xataa aan xariggeeda loo tiigsanin marqaatiyaal  caadiliin ah marka laga reebo qirasho ku timid jirdil iyo cago-jugleyn.

Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha cafis u fidiyay maxaabiistan, waxaana uu sheegay in dowladda ay bixineyso deymaha lagu haystay maxaabiistaan maadaama maxaabiista la sii daayey badankooda loo haystay deymo.

Dowladda federalka ayaa sidoo kale waxa lagu wadaa inay cafis u fidiso maxaabiis badan marka la xusaayo maalinta 1-da Luulyo oo ah maalinta Koonurta Soomaaliya madaxbanaanid ka qaateen dowladda Talyaaniga.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here