Dowladda Federalka Somalia Oo Ka Hadashay Khatarta Caafimaad Ee Uu Leeyahay Bariis Caag Ah (Plastic Rice) Oo Dalka Lagu Arkay

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Bariis Caaga ah(Plastic Rice) oo dhowaan aduunka ku faafay isla markaasina lagu arkay meelo Soomaaliya ka mid ah.

Wasiirka Beeraha dowladda federalka Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

“Waxaa maalmihii ugu danbeeyey arkeynay Bariis Caag ka sameysan iyo Koolo, runtii waxaa lagu xakameyn karaa oo lagaga badbaadi karaa sharci lagu ilaaliyo tayada raashinka iyo cuntada dibadda laga keeno” ayuu yiri Saciid Xuseen Ciid.

Dowladdu waxay sheegtay in ay dhowaan Golaha wasiirada la horgeyn doono sharci lagu ilaalinayo tayada raashinka iyo badeecada dalka imanaysa.

Dowladda federalka ayaa sheegtay in ay raadinayso qorshe wax looga qabanayo cuntada dalka soo gasha ee dalka dibaddiisa ka timaado.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here