Shirkadaha Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya Oo Ku Fashilmay Inay Xal Bedel Ah(Alternative) U Helaan Internet La’aanta Ka Jirto Gobolada Koonfureed

Waxaa maalintii 4aad Internet la’aan ay ka jirtaa magaalada Muqdishu iyo guud ahaan gobolada ku yaallo Koonfurta Somalia, waxayn arintaan saameyn ba’an ku yeelatay dhammaan adeegyadii bulshada ee ka jiray Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo labo maalin ka hor ka hadashay ciladda Internetka ayaa sheegtay in Markab uu gooyey Fiiladii Internetka ee Badda hoosteeda mareysay (Under Sea Fiber Optic Cable) kaasoo qaybintiisa loo xilsaaray shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jiro Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Hormuud, Somtel iyo Nationlink.

Ceebta ugu weyn ayaa ah in Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgalo Koonfurta Somalia ay isku haleeyeen hal Fiilo Fiber Optic ah oo badda la soo dhexmarsiiyey taasoo marwalbo cilad ay ku imaan karto. Shirkadaha Isgaarsiinta ee xaruntooda tahay Muqdisho waxay dhibsadeen inay dhaqaale yar ku soo iibsadaan Adeeg Internet oo Satellite-ka ah kaasii oo xiliyadan oo kale lagu wareejin lahaa macaamiishooda oo hadda aad u jahowareersan.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi oo maanta hadlay ayaa sheegay in Internet la’aanta ka jirta Muqdisho iyo Gobolada dhaco koonfurta dalka aan la saadaalin karin xiliga dib loo helaayo, wuxuu sheegay in markabkii cilad bixin lahaa Fiiladii go’day ee Internet-ka Fiber Optic-ka mardhow laga dalabay dalka Cummaan, wuxuu hadalkan niyad jab weyn ku riday bulshada Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dadka tirada badan ee magaalada Muqdisho siyaabaha kala duwan ugu isticmaalo adeegga Internet..

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa la soo gaarsiiyey oo ka shaqeeyo xiligan VSAT Internet kaasi oo ay inta badan adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgalo dalka Somalia.

Maamul goboleedka Puntland ayaa ah maamul goboleedka kaliya ee ka badbaaday musiibada Internet la’aanta ee ku habsatay Koonfurta dalka Somalia, Puntland waxay heshaa khad Internet oo ku yimaado fiilada Fiber Optic-ka ee badda la soo marsiiyey iyo adeeg kale oo Satelite ah kaasi oo isaga lagu keenay Diishash Satellite-ka toos ugu xiriirsan.

Somaliland oo aan ka tirsaneyn maamul goboleedyada dalka Somalia ka jiro ayaa waxay haysataa adeegyo isgaarsiin oo dhameystiran, Somaliland wax saameyn ah ma ku lahan ciladaha ku yimid Isgaarsiinta Koonfurta Somalia.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here