Alshabaab Iyo Maamulka K/Galbeed Oo Ciidamo Badan Soo Dhoobay Deegaan Uu Ku Sugan Yahay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bakool ee maamul goboleedka K/Galbeed ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamo gurmad ah oo maamulka K/Galbeed u direen  Mukhtaar Roobow Cali si ay uga yareeyaan culeys milateri oo uga imaanayo dhanka kooxda Alshabaab.

Xiisad colaaadeed u dhexeeyso Ciidamo uu wato Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Alshabaab ayaa ka taagan deegaanka Abal oo 18 KM u jirta degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Gurmadka ciidan ee maamulka K/Galbeed u diray Mukhtaar Roobow ayaa la xaqiijiyey inuu gaaray deegaanka Baano oo aad ugu dhow tuulada uuu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow oo Alshabaab ay ciidamo soo dhoobeen.

Ciidamada maamulka K/Galbeed ayaa isku dayaayo inay kaalmeeyaan Mukhtaar Roobow oo dhowaan dowladda Mareykanka ay ka saartay liiska argagaxisada ee sida aadka ah u doondooneysay.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here