Faahfaahin Laga Helaayo Dagaal Jab Culus Lagu Gaarsiiyey Maleeshiyada Alshabaab Oo Ka Dhacay Gudaha Degmada Jannaale

Ciidamada dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM ayaa maanta weerar culus ku qaaday maleeshiyada kooxda Alshabaab ee ku sugnaa degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada isgarabsanaya oo ka soo dhaqaaqay saldhigooda Buufow Bacaad ayaa ugu horeyn cagta mariyey maleeshiyaad nafla-caari ahaa oo ku sugnaa buundada degmada Jannaale iyagoo kadibna gudaha u galay dhammaan xaafadaha degmada Jannaale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda federalka oo qayb ka ahaa howlgalka maanta gudaha loogu galay degmada Jannaale ayaa sheegay in 11 ka mid ah maleeshiyada Alshabaab ay ku dileen howlgalka isagoo xusay inay la wareegeen dhammaan goobihii ay kaga sugnaayeen degmada.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dhankooda uu jiro dhimashada 2 Askari iyo 3 dhaawac ah kuwaasoo dhaawacooda xiligan lagu daweynayo xarumaha caafimaadka ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka Sh/hooe.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa caawa ku hoyanaayo difaacyo ay ka sameysteen duleedka koonfur bari ee degmada Jannaale, waxayna soo banneeyeen deegaano ku yaallo galbeedka iyo waqooyiga degmada oo maanta ay dagaal ku tageen.

Waxaa xusid mudan in Alshabaab aysan sanadkan degmada Jannaale ku sameynin dhoolatus ay sameyn jireen xiliyada Ciidaha Soon-fur iyo Ciidul-Adxaa, arintan ayaa lagu micneeyey in Horjoogeyaasha Maleeshiyada Alshabaab ay dhowr bilood ka hor ka qaxeen degmada Jannaale kadib markii cabsi xoog leh ay soo foodsaartay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here