Gaari Rakaab Ah Oo Caawa Qarax Lagula Eegtay Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegayo in Gaari caasi ahaa oo rakaab waday fiidnimadii caawa qarax lagula eegtay wadada isku xirto Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Gaariga la qarxiyey oo ka ambabaxay degmada Afgooye ayaa ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxaa lagu qaraxiyey deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino jidka dhinaciisa lagu rakibay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo midkood uu ahaa darawalkii gaariga kaxeynaayey, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix qof oo qaarkood laga deyrinaayo xaaladooda.

 

Maleeshiyada Alshabaab oo inta badan geysto qaraxyada noocaan ah ayaa dhibaato ba’an ku haayo shacabka gobolka Shabeelaha Hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here