Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qayb Galay Xuska Munaasabadda 1da July Isla Markaasina Ku Dhawaaqay Inuu Dib U Bilaabayo Wadahadalada Lagula Jiro Somaliland

Waxaa gobolada Koonfureed oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia laga xusayaa sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegatay markii gobolada Koonfureed(Italian Somaliland) ay madaxbanaanida ka qaateen gumeystihii Talyaaniga taasoo ku beegan 1da bisha Luulyo 1960-kii.

Todobaadkii hore, bisha markii ay ahayd 26-ka June waxaa la xusay 57 sano guuradii ka soo wareegatay markii gobolada Waqooyi (British Somaliland) ay madaxbanaanida ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 26-ka June 1960-kii.

Sidoo kale, waxaa maanta oo 1da Luulyo ah loo asteeyeey in laga xuso dalka Soomaaliya Israaca labadii gobol ee loo kala yaqiinay British Somaliland(Waqooyiga Soomaaliya) iyo Italian Somaliland(Koonfurta Somalia).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo lagu xusayey 57 guuradii kasoo wareegtay maalinta xornimada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in la gaari doono maalin ay markale dib u middoobayaan bulshada Soomaaliyeed ee hadda kala maqan. Madaxweyne Farmaajo ayaa xaley sheegay in si deg deg ah dowladiisa ay u billaabayso wada-xaajoodkii u dhexeyso Hargeysa iyo Muqdisho.

Siyaasiyiinta Somaliland ama dhulkii Waqooyiga Soomaaliya ee Ingiriiska gumeystay(British Somaliland) ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay dib uga laabateen midowgii/Israacii ay 1960 la galeen gobolada Koonfurta Somalia oo markaasi la isku dhihi jiray Italian Somaliland.

SHARE

2 COMMENTS

  1. ASC Brother Farmaajo,

    Faraha kala bax affaaraha Somaliland. Waa guusha keliya wax ku ool ah oo ummad Soomaaliyeed ay gaartey the last three decades. Somaalida koonfurna hadeey wax garad yihiin talada waxey u dhiiban lahaayeen dadka yaqaana sida wax loo maamulo. Dadka noocaas ah laba dhul Soomaaliyeed bey wax ka xukumeen waase Djabuuti Iyo Soomaaliland. “Afa’Anta Tusmicus Sumyan, Ow Tahdil Cumyan? Kaman Kaana Fii Lalaalin Mubiinin”. Jaalle Farmaajo ka soo bilow xuriyada Soomaalida iyo Mideyntii labada gobol (Koofur iyo Waqooyi) Soomaaliya waxaa soo maamulaayey laba qolo oo is neceb laakin heshiis ku ah cadaalad darada qabyaaladana aay diintood tahay, Islaam waa u second religion for labadaan qolo. Religion number one for them is Qabiil. Dhiigood bey ku hagoogtey. Labadaan qolo oo aan is jecleen Waxey hadadan aad ugu howlan yihiin sideey Koofur(Kaafir ma dhahaa kuwaan Koofur uma qalmaanee) uga ciribtiri lahaayeen qolooyinka ku abtirsada Soomaalida hagta Djabuuti iyo Soomaaliland. Walaal i maqal dana aad ka leedahay Soomaali mid ah ma jidhaa ee howshaada lug goosnimada haki. Soomaaliland qiblada uun baa kaa xigta dhankeeda ee hadaad Nin Muslim ah tahay U duko Jihada Soomaaliland ee ha aadin.
    Fii Amaani Allaahi SWT

  2. Astagfiru Allaah SWT “Tusmicus Summa Ow Tahdil Cumya” Ha leyga raali ahaado fartaa iga qaldantay oo aayaadkii Illaaheey baan u geffey, Astagfuru Allaah Subxaana Watacaalaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here