Somaliland: 28 Kun Ardey Ayaa Maanta U Fadhiistay Imtixaanada Shahaadiga Oo Maanta Bilowday

Ardey tiradooda gaareyso 28 kun oo ka kooban dhammaan iskuulada gobolada Somaliland ayaa maanta u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Soomaaliland.

Madaxa Guddiga Imtixaanaadka Soomaaliland Eng Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in sanadkaan Imtixaanka shahaadiga ah ay u fariisan doonaan arday gaareysa  ilaa 28 kun oo arday oo is kugu jira dugsiyada dhexe iyo sare.

Daa’uud Axmed Faarax oayaa sheegay in 17 kun arday ay u fadhiisanayaan Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe halka 11 kun arday ee soo hartay ay u fadhiisanayaan Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare.

Sidoo Daa’uud  Axmed Faarax waxaa uu sheegay in sanadkaan la adkeeyay nidaamka Imtixaanka si looga fogaado cadaalad darro iyo khiyaano.

Imtixaanka shahaadiga ah ee maanta ka bilowday Soomaaliland ayaa waxa uu maamulka uu u asteeyay in lagu qaado lix iyo toban goobood, kuwaas oo ammaankooda la adkeeyay si uu san u bixin qish iyo wax walba oo keenaya caawimaad.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here