Diyaaradda Air Arabia Oo Maanta Soo Cago Dhigatay Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland(Video)

Diyaaradda Air Arabia ayaa maanta si rasmi ah u bilowday duulimaadyo ay ku tagayso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madaweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Zaylici iyo mas’uuiyiin kale ayaa ka qayb galay munaasabadda lagu daahfuray duulimaadka 1aad ee Air Arabia ku imaaneyso magaalada Hargeysa.

Jadwalka diyaaradda Air Arabia ayey maamulka shirka waxay sheegeen in todobaadkiiba labo jeer ka soo degeyso Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Qofka musaafirka ah wuxuu transit ku noqonayaa magaalada Sharjah(Shaariqa) halkaasoo safarkiisa ka sii wadan karo isagoo sii raacayo diyaaradda u socdaaleyso dalka uu ka sii doonayo aduunka.

Hoos ka daawo munaasabadda

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here