Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Magacaabay Degmooyin Cusub(Akhriso Degmooyinka Cusub)

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay degmooyin cusub oo ka mid noqonaayo degmooyinka ka jiro gobolada maamulka Puntland.

Degmooyinka cusub ayaa kala ah Shaxda, Dhubdhub, Xumbeys iyo Bur-saalax kuwaasoo ka kala tirsanaa gobolada Puntland ee kala duwan.

Magacaabista degmooyinka cusub ayaa yimid kadib markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa inay noqdaan degmo.

Siyaasiyiinta Puntland ayaa talaabada uu Dr. Gaas ku magacaabay degmooyinka cusub ku micneeyey inay tahay ajenda uu ku doonayo mudo kororsi ka baxsan xiliga madaxweynaha Puntland u ogol yahay dastuurka Puntland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here