Xabaal Wadareed Lagu Duugay 5 Qof Oo Laga Helay Duleedka Degmada Mandera Ee Gobolka Soomaalida Waqooyi Bari Kenya(Sawiro)

Xabaal wadareed ay ku jiraan meydadka shan ruux oo la sheegay inay dileen ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa laga heley deegaanka Bamba oo 65 KM u jira magaalada Mandhera ee gobolka Soomaalida ee dalka Kenya.

Meydadka Shanta qof ee xabaal wadareedkan laga helay ayaa la xaqiijiyey in degaan ahaan ka soo jeedaan magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya(North Eastern Province).

Meydadka la helay ayaa ah afar rag ah iyo mid dumar ah kuwaasoo ku xabaalnaa hal god , waxaa arkay dad xoolo dhaqato ah oo deegaankaasi xoolo ku haystay.

Ehelada maxuumiinta ayaa aqoonsaday meydadka markii la geeyay isbitaalka magaalada Mandhera habeenimadii Isniinta.

Mid ka mid ah ehelada dadka meydkooda la helay oo lagu magacaabo Cabdi Aadan ayaa warbaahinta gudaha ee Kenya u sheegay in walaalkiis uu ku jiro dadka la dilay isagoo xusay in walaalkiis  toddobaad ka hor ciidamada ammaanka ay qabteeen, wixii markaa ka danbeeyayna aanu dib u soo laaban.

Dhakhaatiirta magaalada Mandhera ayaa sheegay in hal ruux oo meydadka ka tirsan lagu dilay rasaas, halka afarta kale dilkooda loo adeegsaday aalad lagu ceejiyay (merjiyey).

 

Ciidamada ammaanka GSU ee dalka Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay tacaddiyo u geystaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Waqooyi bari ee Soomaalida Kenay.

Xigasho: RBC

MANDERA1 mandhera2 mandhera3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here