Alle Ha U Naxariisto Sheekh Shariif Cabdinuur Oo Ku Geeriyooday Magaalada Makka Al-mukarrama

Allaha u naxariistee waxaa saakey magaalada Makka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku geeriyooday Sheekh Shariif Cabdinuur oo sanooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaa halkaasi, wuxuu ahaa Caalim arday badan baray Diinta Islaamka oo laga aflaxay.

Shariif Cabdinuur ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Baabile oo ka tirsan gobolka Oromia ee dalka Itoobiya halkaasoo uu Diinta Islaamka ka bartay Mashaa’ikh isugu jirtay Soomaali iyo Oromo.

Shariif Cabdinuur oo caan ku ahaa Xalaqaatkii Diinta Islaamka lagu baran jiray ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka mid ahaa Macalimiintii Jaamacadda Lafoole wax ka dhigi jiray.

Sheekh Shariif Cabdinuur ayaa ahaa Caalim Kaalin weyn ka qaatay faafinta Diinta Islaamka ee Bariga Afrika.

Marxuum Sheekh Shariif Cabdinuur ayaa ah Caalim afkiisa laga amaan galay tan iyo markii uu Soomaaliya ka bilowday hardanka Kooxaha Islaamiyiinta oo sababay in magaca Diinta islaamka lagu daadiyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here