Ganacsato Dhowaan Lacag Shilin Soomaali Soo Daabatay Oo Ku Jahowareersan Socodsiinteeda Kadib Markii Shacabka Ay Diideen

Gaadiid xamuul ah oo ay ku raran tahay Lacag Shilin Soomaali fara badan oo dhowaan ay soo daabacdee ganacsato macaash doon ah ayaa lala wareegayaa gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Lacagtan oo maalmo ka hor laga diiday magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa shaley la soo gaarsiiyey Guriceel iyo Dhuusamareeb oo haddana shacabka ay iska diideen.

Maanta waxay lacagtan soo gaartay magaalada Gaalkacyo iyadoo ganacsatada lacagtan wadato ay doonayaan inay ku bedeshaan lacag doollaar ah.

Waxaa la soo sheegayaa in Ganacsatada iyo Sarifleyaasha magaalada Gaalkacyo ay durba iska diideen lacagtan cusub ee magaalada la soo geliyey, waxaanna saakey ka bilowday Gaalkacyo mudahaaradyo lugu diidan yahay lacagtan qalalaas dhaqaale ku abuurtay gobolada Soomaaliya qaarkood.

Waxay Ganacsatada magaalada Galkacyo ugu baaqay dowladda federalka iyo maamulka degmada inay si dhaqso ah uga falceliyaan dhibaatada lala soo doontay shacabka magaalada Galkacyo.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay isa soo taraayey warar sheegaayo in lacago been abuur ah la soo geliyey Koonfurta Soomaaliya taasoo ay soo daabacdeen ganacsato dalka dhexdiisa ku haysto Makiinado lagu daabici karo Shilinka Soomaaliga.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here