Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Joojiyey Lacago Xad Dhaaf Ah Oo Shacabka Looga Aruursanaayey Galitaanka Beerta Nabadda Oo Ah Dhul Danta Guud

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta amar ku bixiyey in la joojiyo lacagaha tirada badan ee lagu galo Beerta Nabada oo ah dhul Danta Guud oo shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka dhexeyo.

Beerta Nabadda ayaa muddo ku dhow 3 sano waxaa ku ganacsanaayey ganacsato aan shacabka u naxariisanaynin iyadoo Caruurta galeyso laga qaadayey min $2 dollar halka dadka waaweyn laga qaadi jiray $1 dollar. Waxaa intaas sii dheer lacagta dukaameysiga ah ee qofka soo galo uga baxeyso.

Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa nimankan ganacsatada ah u fasaxay inay dhistaan dhulka danta guud ee Beerta Nabadda ay ku taalo kadib markii maamulka la siiyey lacag jeeb gelis ah.

Talaabada uu ku joojiyey maamulka gobolka Banaadir lacagaha lagu galo Beerta Nabadda waxaa si weyn u oo dhaweeyey shacabka magaalada Muqdisho qaybahiisa kala duwan.

Hoos ka akhriso Qoraal ka soo baxay

Beerta Nabadda

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here