Puntland Oo Alshabaab U Aqoonsaneyso Ciddii Diido Lacagta Shilin Soomaaliga Cusub

Maamul goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadlay jahwareerka ka taagan isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga oo laga diiday gobolada dhexe qaarkood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha wasiirrada Puntland ayaa lagu sheegay in Amarrada ka soo baxay kooxda Alshabaab ee lagu diiday lacagta Shilinka Soomaaliga looga dan leeyahay burburinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa ganacsatada lagu amray inayy qaatan lacagta shillinka Soomaaliga isla markaasina ciddii diido loo aqoonsan doono inay gacan saar la leedahay Ururka Alshabaab.

Arinta shakiga weyn dhalisay ayaa ah in lacagtan la diidan yahay oo ah Shilin Soomaali cusub ay gacanta ku hayaan ganacsato tiro yar oo doonaya inay u bedeshaan Dollar.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here