5 Wiil Oo Uu Dhalay Ganacsade Xaaji Gaabow Ayaa Maanta Lagu Xasuuqay Duleedka Magaalada Muqdisho

Waxaa duleedka magaalada Muqdisho maanta lagu dilay 5 qof oo intooda badan ay ahaayeen hal qoys, waxaa falka waxashnimada ah geystay kooxo Hubysan oo aan ilaa hadda haybtooda la garaneynin.

Dadka Geeriyooday ayaa  ka soo laabtay Aasidda/Duugitaanka qof Meyd oo ehelkooda ahaa kaasi oo ay ku soo aaseen qabuuraha deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shanta qof ee la xasuuqay oo afar ka mid ah hal qoys ah ayaa kala ah: C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Xaaji Gaabow, Cabdi Xaaji Gaabow, C/jabaar Xaaji Gaabow iyo Maxamed Yare oo ay qaraabo ahaayeen qoyska Xaaji Gaabow.

Dambiileyaashii dadkan laayey ayaa iskaga baxsaday goobta falkan argagaxa leh ka geysteen.

Inta u dhexeyso Ex-Koontrool Afgooye ilaa Deegaanka Ceelasha Biyaha waa deegaan ay ku badan yihiin maleeshiyaad ku labisan tuutaha dowladda federalka, waxayna maleeshiyaadka dhac iyo tacaddiyo kale u geystaan shacabka ku safro wadadaasi oo halbowle u ah isu-socodka gaadiidka dadweynaha ee gobolada Banaadir iyo Sh/hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here